Monthly Archives: June 2017

TARTANKA RAMADAANKA 2017 MINI FOOTBALL EE MAGAALADA MANCHESTER.

Tartamada Ramadaanka EE jaaliyadaha Somaliya ayaa maanta magaalada Machester maalintiisa koowaad uu ka bilowday Maamulaha Tartanka Hassan Abdalla Saalim ayaa wuxuu wariyaha Somalisc.com EE magaalada Machester u sheegay in sanadkan Kooxaha ka qayb galaya ay tiradooda tahay 12 kooxood. Mr Hassan Salim oo sandkii seddexaad maamule ka yahay tartankan Ramadaanka. EE magaalada Manchester ayaa waqtigiisa u huray isaga iyo saaxiibadiisa aan kala harin ayaa wuxuu yiri Sanadka waxaan Sponsor ka helnay ganacsato isugu jira ajnabi iyo Somali, sida IBRAHIM MAINE CENTRE, SUJAC DRIVING SCHOOL, YGS ORGANISATION, IYO SOFIYAN FOUNDATION.

CAYAARAHA MAANTA DHACAY WAXAA LOO KALA BADIYEY SIDA HOOS KU QORAN:

‪Dream Team 1-0 Italians‬
‪(Goal: Moeen)‬

‪Lord Chariots 1-0 Bahar United‬
‪(Goal: Tom)‬

BERRI OO JIMCO AH WAXAA LA CIYAARI DOONAA LABO CIYAAROOD IYO GAROONKA ALEXANDER PARK IYO DAAWASHO WACAN.