This is default featured slide 1 title

You can completely customize the featured slides from the theme theme options page. You can also easily hide the slider from certain part of your site like: categories, tags, archives etc. More »

This is default featured slide 2 title

You can completely customize the featured slides from the theme theme options page. You can also easily hide the slider from certain part of your site like: categories, tags, archives etc. More »

This is default featured slide 3 title

You can completely customize the featured slides from the theme theme options page. You can also easily hide the slider from certain part of your site like: categories, tags, archives etc. More »

This is default featured slide 4 title

You can completely customize the featured slides from the theme theme options page. You can also easily hide the slider from certain part of your site like: categories, tags, archives etc. More »

This is default featured slide 5 title

You can completely customize the featured slides from the theme theme options page. You can also easily hide the slider from certain part of your site like: categories, tags, archives etc. More »

 

Shirkii xiriirada kubadda Kolayga ee Zone v oo Qaahira lagu soo gabagabeeyey.

BB shir15Waxaa magaalada Qaahira ee dalka Masar lagu qabtay kulan looga hadlayey horumarinta kubadda Kolayga ee dalalka ku jira Zone ka shanaad ee qaaradda Afrika kaasoo ay ka soo qaybgaleen madaxda kubadda kolayga ee dalal sideed wadan ah oo ku bahoobay Zone kan.

Xoghayaha xiriirka kubadda kolayga Soomaaliyeed Siciid Faarax Ducaale oo kulankan uga qaybgalay dalkeena Soomaliya ayaa ku tilmaamay shirkan mid ku dhamaaday is afrgarad lagana soo saaray qodobo xasaasi u ah kubadda Kolayga Zone ka isla markaana wax badan ka tari doona horumarka balaaran ee ay hiigsanayaan dalalka ku jira Zone v.

“Kulanka waxaa isugu yimid ilaa sideed wadan waxaana aad looga dooday qodobadii la islahaa waxay horey u wadi karaan kubadda Kolayga dalalkaasi oo marka la fiiriyo dhiigooda qaaradda ka hooseeya waxaana ay madaxdii halkaasi isugu timid hoosta ka xariiqeen in haddii aan maamulka iyo wadajirka Zone ka la adkayn ay adkaan doonto sidii lagu fulin lahaa talaabooyinka la rabo in la qaado” ayuu yiri Siciid Faarax oo u waramayey shabakaddan cayaaraha.

Gabagabadii shirkan oo socdau 17-18 kii bishan January 2015 ayaa laga soo saaray qodobada ay ka midka yihiin

  • In la abuuro koox suuq geeyn ah oo ka kooban ila 8 xubnood oo uu hogaamin doono Ambrose oo u dhashay dalka Uganda uuna ka mid noqon doono guddomiyaha XSKK Mudane Cabdullahi Caddaani
  • In tartan walba oo lagu qabanayo Zoonka aay hoos yimaadaan maamulka Zone 5 laguna lifaaqo tartaamadaas tartanka cusub ee 3X3
  • Waxaa loo codeeyey in dalka Rwanda marti galiyaan tartanka U16 wiilal iyo gabdho sannadkan 2015 kaasoo lagu wado in uu qabsoomo bisha May ee sanadkan.
  • Sidoo kale dalka Ugandha ayaa martin galin doona tartanka juniorka kooxaha qaranka kubada koleyga ee Zone 5 oo la filayo in la qabto bisha April horaanteeda, tartankaan waa tartan saaxiibtinimo oo lagu dheeri galiniyo ciyaartooyda loo diyaariniyao in aay ka qayb qaatan xulalka qaramada sanadka 2017, tartankaan waa markii ugu joreeysay oo lagu qabto Zone 5
  • Tanazania ayaa ayadana loogu codeeyey in ay martigeliso ciyaaraha magaaloyinka Bariga iyo bartamaha.

 

London Futsal Tournament 2015

London Futsal-2015Waxaa lagu wargelinayaa dhamaan kooxaha Soomaaliyeed ee ka dhisan wadanka Ingiriiska in markale lagu qaban doono magaalada London koobkii London Futsal Tournament 2015.

Hadaba koox walbo oo ka qayb galaysa tartankaan, waxaa laga qaadi doonaa lacag dhan £70 pounds oo ay iskaga diiwaan gelinayaan koobka LFT 2015, ka hor 15 February 2015.

Wixii ku saabsan LFT 2015 kale soo xiriir maamulka Futsal-ka ee LFT

mrsomalia@hotmail.com

Mahadsanidiin

Yusuf Yusuf

Messi iyo CR7 oo hogaaminaya laacibiinta ugu qaalisan aduunka

Messi CR7 2015Qiimeyn la soo saaray ayaa lagu shaaciyay in xidiga aduunka ugu qaalisan uu yahay laacibka kooxda Barcelona Leo Messi waa hadii suuqa kala iibisiga ciyaartoyda la soo dhigo oo la dhaho waa la iibinaa qiimeyntaan ayaa waxaa soo  saartay CIES Football Observatory.

Ciyaartoy Wasaaradda Ciyaaraha Ku Eedeeyay Inay Lacag Aanay Qaadi Karin Ku Xidhay

SLS15“Markii ayku fashilmeen inay wasaaradeenu ciyaaro qabtaan ayuu madaxweynaha Soomaaliya u qabtay horyaal taas oo keentay in dhalinyaro ciyaartoy ah oo magaca ku lahaa Hargeysa oo mushaharka qaadaneyey intay Hargeysa ka yaacaan tagaan Soomaaliya si ay tartankaasi uga qaybgalaan”Ciyaartoy ka tirsan kooxaha dalka

Ha curyaamin cayaartoyga kubadda cagta, fursad sii berrina ku faan.

XKCS C. Ajnabi14MUQDISHO: Waxaa Marag ma doonto ah in Isboortiga dalkeena uu ku talaabsanayo horumar dhinacyo kala duwan haba ugu badnaato dadaaladii horumarineed ee baaxadda leh ee ka muuqata Kubadda Cagta dalkeena.

Xiriirka Kubada Cagta oo Shaaca ka qaaday tababaro lagu qabanayo Kismaayo.

Shafici14Kaddib doorashadii sida dimoqodaadiga ah ku dhacday ee maamulka kubada cagta gobalka Jubbada Hoose iyadoo wax faragelin ah uusan ku sameyn maamulka dowliga ah ee halkaa ka dhisan ayaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta waxaa uu gobalka Jubbada Hoose u caleema saaray in uu noqdo meesha ugu horesa ee tababarrada xagga horumarinta ee sanadka 2015 ay ka dhacayaan.

Muwaadin Xasan Waraabe Cade oo Madaxweynaha Qaranka Somaliland ku maamuusay koob uu ugu magacdaray horumarinta Garoomada Casiriga ah.

Warabe and PresidentMadaxweynaha oo xafiiskiisa ku qaabiley Xubno qurba-joog ah oo uu hogaaminaayey mudane Xasan Waraabe cade ayaa madaxweynaha waxay ku maamuuseen una garteen inuu yahay madaxweyne jecel wanaaga iyo dhismaha dhalinyarada dalka, waxaanay madaxweynaha uga mahadnaqeen sida uu cashuurta uga dhaafay agabka garoomada casriga ah loogu horumarinaayo,

Hambalyo: Abdirashiid Abdullahi Maxamed (Abdirashiid Foonka)

Abdirashid Foonka15Qoraal ka soo baxay xafiiska wasaaradda qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ee dawlad goboleedka Galmudug ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , si toos ahna ugu socotay guddiga Olymbikada Soomaaliyeed , ayaa loogu magacaabay mudane C/rashiid Cabdullahi Mohamed (Abdirashiid Foonka), inuu noqdo Wakiilka Olymbikada gobolada dhexe ee Galmudug.

Africa oo xil muhiim ah usoo magacawday Shaafici Islow

Shafici15Dhowr maalmood kaddib markii ururka Kubada Cagta qaarada Afrika ee CAF uu u aqoonsaday Shaafici Muxuyadiin (ISLOW) kaalinta 1-aad agaasimeyaasha warfaafinta 54-ta dal ee xubnaha ka ah ururka Caf, ayaa xoghayaha guud ee CAF mudane Hicham El Amrani wuxuu Shaafici usoo magacaabay Tifaftiraha qeybta Englishka ee CAF ee tartanka 2015 Afican Cup of Nations Under 20.

Mukhtaar Sheikh shuute oo lagu soo dhaweeyay Minnesota.

ShuteMukhtaar Sheikh Shuute Sh. Shariif oo ka tirsanaan jiray cayaaryahannadii kubadda cagta ee naadiyadii Wagad,Muqdisho iyo jeenyo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, iyadoo ay halkaasi goob joog ka ahaayeen qaar ka tirsanaa Macallimiintii,