Barcelona oo mar kale hanatay horyaalka Yurub “Champions League”.

barcel5Kooxda Barcelona ayaa markii afaraad muddo 10 sano gudahood ah ku guulaysatay koobka horyaalka Yurub ka dib markii ay kulankii kama dambaysta ahaa ee koobka Horyaalka qaaradda Yurub caawa 3-1 uga adkaatay kooxda Juventus ee dalka Talyaaniga.

Barcelona ayaa daafacii adkaa ee Juventus hurdada uga kicisay gool ay degedeg uga heshay daqiiqaddii afaraad ee cayaarta ka dib markii kubado gaagaaban oo ay isla heleen weeraryahanada Barcelona uu shabaqa Juventus la helay cayaaryahan Jovetic oo khadka dhexe uga cayaara Barcelona.

Intaasi ka dib ayey cayaartani noqotay mid isku dheelatiran Juventusna dib ugu soo npoqotay hardarna cayaarta ka dib markii uu fursad aad qaali u ahayd uu ka badbaadiyey rugcadaaaga goolyahayaha u ah Juventus Buffon ka hor intii uusan goolkii barbardhaca u saxiixin kooxda horyaalka Talyaaniga ee Juventus.

Barcelona ayaa mar kale ku hormartay hogaanka cayaarta ka dib markii darbad xoogan oo uu Messi ku daayey Buffon uu soo tufay ka dibna uu kubaddii meel aan ka fogayn wajiga jooga uu ka helay gooldhaliye Suarez ka dibna ku hubiyey fooqa sare ee shabaqa Juventus.
Inkastoo Juventus heleen fursado aan sidaasi u sii badnayn ayey hadana aad ula qaybsadeen haysashada kubadda ayaa waxaa hadana gabagabdii kulanka lagu helay dhawr weerarcelis oo mid ka mid ka mid ah uu daqiiqaddii ugu dambaysay ugu saxiixay weeraryahanka da’da yar ee Brazil Neymar halka mid kale oo u muuqdaay gool sax ahina uu ka diiday garsoorihii cayaartu ka dib markii ay kubaddu gacanta uga sii dhacday weeraryahankan ka hor intii aysan shabaqa si tartiib ah ugu xaroon.

Barcelona ayaa sanadkan horey ugu soo guulaysatay horyaalka iyo koobka dalka Spain waxaana ay guushani dhinaca kale ka dhigaysaa kooxda Barcelona kooxdii ugu horeysay tan iyo markii ay Juventus ku guulaysatay sanadkii 1996 kulanka kama dambaysta ah uga adkaata koox ayaduna soo qaaday horyaalka dalkeeda.



 

Mohamud Ismail

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *