Bolt oo aan ordi doonin sanadkaan

Usain-Bolt-610x351Usain Bolt oo 6 mar noqday horyaalka tartanka Olympic adduunka ayaa go’aan ku gaaray inuusan ordi doonin inta ka harsan sanadkaan, kadib markii 3 biladood oo dahab ah uu bishii tagtay ka helay tartankii China ee world championships.

“Kadib farxadii aan ka gaaray todobaadyaddii la soo dhaafay  tartanka aduunka ee  Beijing waxaan go’aan ku gaaray in aanan ordin inta uu ka dhamaanayo 2015,” Bolt ayaa sidaasi ku soo qoray barta uu Facebook ku leeyahay.

Bolt oo 29 sano jir ah wuxuu sidaasi ku seegi doonaa tartanka jimcaha ka furmi doona Brussels ee Diamond League, kaasoo lagu waday in uu ku difaacdo horyaalka 200 oo mitir.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *