Cayaartoyda Juunyarka Taekwaondo-ga Soomaaliyeed oo Tabarabar Adag ku Jira.

takw_JuniorWaxaa xiriirka Taekwondow-ga Soomaaliyeed (XTS) uu baryahaan si aad ah ugu dadaalayaa sidii loo soo saari lahaa dhalinyaro ciyaarta cayaaraha Taekwondow-ga matalina karta xulka qaranka Soomaaliyeed ilaa iyo heer caalami, loona diyaarin karo inay ka qeyb galaan ciyaaraha tartamada dhalinyarada ee Taekwondow-ga oo labadii sanoba mar la qabto.

Waxaa fursad u helnay inaan la xiriirno Gudoomiye ku xigeenka ahna madaxa xiriirada caalamiga ee Xirrirka Taekwondow-ga Soomaaliyeed (XTS) Eng. Ahmed Isse Kirish oo baryahaan ku sugnaa magaalada Laussane ee wadanka Swisserland, ayaa waxuu inoo sheegay inuu kulamo la qaatay qaar ka mid ah madaxda Xiriirka Taekwondow-ga Aduunka, isla markaasna soo kormeeray garoomada ay ku tabobartaan cayaartooyda juunyarka Taekwondow-ga Soomaaliyeed oo maalmahaan tababar xoogan uu usocdo iyadoo tababarkaas siiyo Faysal Aweys oo ka mid ahaa ciyaartooyda xulka qaranka Soomaaliyeed kuna guuleystay bilado badan oo ilaa iyo heer caalami ah.

Sikastaba ha ahaatee, waxaa baryahaan soo baxaya cayaartooy Soomaaliyeed oo aad iyo aad u firfircoon haatana ka qeyb gala tartamada ka dhaca qaarada Yurub iyagoo matalaya iskuulka uu haatan ku tababaro halyeyga xulka qaranka ee Taekwondowg-ga Soomaaliyeed Faysal Aweys iskuulkaas oo lagu magacaabo Taekwondo Maley. Waxaa uu haatan soo saaray cayaartooy d’a yar oo Soomaaliyeed gaareysa ilaa iyo 14 cayaartooy oo ay yihiin 10 wiilal iyo 4 gabdho ah ayna d’adooda u dhaxeyso 8 jir ilaa iyo 16 jir oo wiilal iyo gabdhabo iskugu jiraan.

Waxaa sidoo kale uu Gudoomiye Eng. Kirish inoo sheegay inay haatan cayaartooydan juunyarka Taekwondow-ga Soomaaliyeed loo diyaarinaayo ka qeybgalida tartamada Olombikada aduunka. Waxuu kaloo intaas raaciyey in ay inshallah cayaartooydan matali doonaan xulka qaranka juunyarka Taekwondo-ga Soomaaliyeed tartamada fooda inagu soo haaya oo ay ka mid ka yihiin Tartanka Olombikada Dhalinyarada Taekwondo-ga Aduunka 2018 oo ka dhici doona magaalada Buenos Aires ee dalka Argentina iyo waliba Tartanka Olombikada 2020 oo asna ka dhici doono magaalada Tokyo ee dalka Japan.

Ugu danbeyntii waxuu Gudoomiye Eng. Kirish uu mahad balaaran usoo jeedinayaa Gudiga Olombikada Soomaaliyeed (GOS) sida ay u dhiirigeliyaan horumarinta iyo soo saarida cayaartooy tayo leh matali karta xulka qaranka Taekwondo-ga Soomaaliyeed. Sidoo kale waxan aad u amaanayaa ciyaartooyga xulka qaranka Soomaaliyeed Faisal Aweys sida dadaalka badan uu ugu jiro sidii loo heli lahaa dhalinyaro badan oo diyaar u ah inay ka qeyb qaataan ayna heer caalami ka gaaraan ciyaaraha Taekwondo-ga Soomaaliyeed.

 

Mohamud Ismail

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *