HORYAALKA SOMALI MINI FOOTBALL OO LAGA BILAABAY DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND.

 

Xiriirka Somali Mini Football ayaa horyaalkiisa QAARNA la soo gabagabeeyey qaarkoodna uu si XAWLI ah u socdaa.

Xiriirkan oo ka dhisan dhammaan gobolada Somaliya ayaa shalay wuxuu horyaalka Somali Mini Football  Puntland ka bilowday magaalada Gaalkacyo.

Run ahaantii MiniFootballka oo si xawliga ah uga socda dunida dacaladeeda ayaa  wuxuu ku soo kordhiyey kubadda cagta xirfado Cusub, fikir cusub, dhaqdhaqaaq dheeri ah  iyo

xoog xeeladaysan

Magaalada Gaalkacyo oo ah hoygii sportiga ayaa maanta ka dhisan kooxo fara badan oo Soomali Mini Football ah.Cayaarahani sida loo kala ciyaaro iyo qaabka ay ku soo gabagabowaan waxaad kala socotaan www.somalisc.com.

Gobolada kala ah Shabeelaha Hoose, Shabeelaha Dhexe, Jubbada Hoose ayaa horyaalka Somali Mini Football lagu soo gabagabeeyey bishii hore ee dhamaatay.

Waxaa hadda gabagaba ah Horyaalka Gobolka Gedo.

Bisha April ee foodda inagu soo haysa ayaa Xulka Qaranka Somali Mini Football u ambabixi doonaan dalka Tunisia iyagoo ka qayb geli doona isreebreebka cayaaraha Adduunka

ee Qaaradda Africa.

 

wwww.somalisc.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *