header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031

Newsletter
Subscribe to newsletter:


Qur'an iyo Subac

email Email to a friend | print Print version | comment Comments (0 posted)

Boorama: Xulka Kubada Cagta G/Awdal Oo Muran Xoogani Ka Dhex Taagan Yahay & Isqabqabsi Ka Dhex Dilaacay.

By Cabdifataax Axmed on January 14,2013

image
Muddo 7-cisho ku siman xili ay ka hadhay furitaanka Tartanka Kubada Cagta ee gobolada Somaliland oo ka dhacay magaalada Hargeysa ayaa waxaa gudaha Boorama ka bilowday is-qabsi xoogan iyo muran ka dhex dilaacay xulka dhexdiisa ah kaasi oo maanta gaadhay meel aad u saraysa. 

 

Xarunta dawlada Hoose ee Boorama ayaa maanta waxa buux dhaafiyay Ciyaaryahanada xulka, maamulka ciyaaraha ee Gobolka iyo masuuliyiinta xulka iyo daneeyayaal kale oo ciyaaraha gobolka ah kuwaasi oo halkaasi u tagay in ay madaxda gobolka iyo kuwa D/hoose xal u helaan murankan dib uga soo dhex aloosmay.

Is maan-dhaafkan iyo isqaqabsigan xulka dhexdiisa ah ayaa waxa uu imanayaa kadib markii qaar ka mid ah Ciyaaryahanadu ay codsadeen in laga badalo tababarha iyo ku-xigeenka xulka, iyaga oo markaasi shuruud uga dhigay inaanay ciyaari doonin hadii ay sii joogaan.

Ciyaaryahanadan ayaa waxa ay tababaraha iyo kuxigeenkiisa ku eedeeyeen inaanay wadi karin xulka isla markaana ay wadaan kala qaybin xulka dhexdiisa ah iyo talaabooyinkale oo shaqaf dhac ku ah Xulka G/Awdal waa sida ay hadalka u dhigeene.

Tababaha Xulka Mud. Cabdilaahi Awliyo ayaa eedahaas ku tilmaamay kuwo aanay waxba ka jirin xulkuna uu maanta u baahan yahay ciyaaryahano tayo leh oo guul soo hoyn kara balse aanu u baahnayan is kooxaysi iyo kani ayaa saaxiibkay ah.

Dhinaca kale, Saraakiisha hogaanka u haysa Sport-ga Gobolka Awdal ayaa ka gaabsaday inay arimahan wax faahfaahin ah ka bixiyaan, wallow ay warar kale oo xog ogaal ahi sheegayaan in aanay diyaar u ahayn waqtigan oo Ciyaarihii goboladu soo dhawaadeen wax kabadel inay ku sameeyaan tababarayaasha xulka.

Xiisadan oo cirka isku shareertay ayaa waxa soo faro galiyay iskuna dayay inay door dhexdhexaadnimo ah ka ciyaaraan dhalinyaro ka mid ah kuwii waayihii hore, ilaa hadana wax faahfaahin ah kama soo bixin dadaaladoodaasi, marka laga reebo in ciyaaryahanada wax tabanaya ay ka baajiyaan inay qaataan jinsiyada Gobolka Salal oo ay kaga qayb galaan ciyaarhaasi.

Murankan ayaa maalmihii u dambeeyay sii hurayay waxana uu gaadhay maamulka gobolka Awdal iyo kan degmada Boorama, waxana maanta aanay midho ka soo bixin kulan ka dhacay gudaha dawlada hoose ee Boorama, waxana Xoghayaha G/Awdal oo ay Shabakada HadhwanaagNews wax ka waydiisay halka uu xaal marayo uu yidhi " Wax walba waxa aan soo afjaraynaa maalinta bari ah".

Fadeexadahan gudaha ah ayaa waxa ay noqonayaan kuwo niyad jab ku ah kumanaanka taageerayaasha xulka G/Awdal ah oo aanan wali xulkooda ka helin inay soo hooyaan guul balaadhan oo lagu diirsado.

Si kastaba ha ahaatee, Xaalka guud ee maanta ee tayada xulka G/Awdalna waxa uu yahay mid meel walba lagu gorfeeyo iyada oo laga dayrinayo, maadaama la ogsoonyahay in Ciyaaryahano badan oo booska hore (Line-up) ka waayay xulka ay ku gacan saydheen inay noqdaan kuwo bedel ku soo gala (Substitution) ayna u hayaameen dhinaca G/Salal oo ay ka heleen boosay hore oo joogto ah, tanina ay meesha ka saartay tayadii xooganayd ee uu lahaa xulka G/Awdal.

Wariye

Cabdifataax Axmed


  


394 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 Rating: 5.00Rating: 5.00Rating: 5.00Rating: 5.00Rating: 5.00 (total 2 votes)
comment Comments (0 posted)
 Quran Recitation & Hadith Translation Arabic/ English
banadir_01 Tartanka kubada cagta ee gobolka bandir
mohamed_farah_01 Dadaal ayaa lagu gaaraa Guushaa
Wareysi, Coach Mohamed Salim & Referee A. Cadday
jama_aden
Coach of the Year Jama Aden
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed

More News

eXTReMe Tracker