header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031

Newsletter
Subscribe to newsletter:


Qur'an iyo Subac

email Email to a friend | print Print version | comment Comments (0 posted)

Tartankii K/cagta ee Atlanta oo la soo gabagabeeyay

By Dr' Ali Osman Ali on January 15,2013

image

 

Atlanta:Markii uu soo dhamaaday Tartankii la qabtay dhamaadkii sanadkii 2012 oo ay ka soo qeyb galeen Gobolo caan ku ah Isboortiga Noocyadiisa kala duwan sida Kubadda cagta iyo Koleyga,laguna qabtay Magaaladda Atlanta oo ay Abaabuleen Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka,ayaa waxay Kooxihii Atlanta kala kulmeen Guuldarooyin aysan fileynin taa oo runtii dadweynahii Reer Atlanta ay u adkeysan waayeen,waxaana arrintaa ka gilgishay dhalinta ku nool magaaladda Atlanta oo ay Hiwaayadoodu tahay ka qeyb galka Isboortiga noocyadiisa kala duwan,waxayna go'aansadeen in sanadada soo socda loo diyaargaroobo si kaalintii Atlanta lagu yiqiinay loo muujiyo.


Haddaba Dhalintaasi oo ay hogaaminaayaan Mudane Jaamac Cali(Jaamacey) oo barisamaadkii ka mid ahaa Kooxda Kubadda Cagta ee Naadiga Muqdishu isla markaana ah xubin firfircoon ee Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka iyo Mudane Cabdirashiid Dheere oo ka mid ah dhalinta Ciyaarta Kubadda cagta ayaa waxay isku dubarideen Tartan loogu magac daray"GUUSHII ATLANTA' oo ay ka soo qeyb galeen lix kooxood oo kubadda cagta kuwaasi oo ka kala socda isla Magaaladda Atlanta oo kala ah GUULEED COFFE,TAKSILEYDA,LIBAAXYADDA BENAADIR,SAFARI UNITED,HORSEED FC IYO ROYAL,waxaana ugu dambeynti koobkii lagu tartamaayey si xarago leh ugu guuleystay kooxdii ku ciyaareysay magaca TAKSILEYDA oo u aheyd markii ugu horeysay ay guushaan gaaraan,waxaana habeenkii goobaha Taksiyadda laga raaco siiba Airaboorka ka dhacay Xaflado loogu dabaaldegaayo Guushaasi Taariqiga aheyd,waxaana u hambalyeey Guddiga Isboortiga iyo dhaqanka oo kala ahaa Dr. Cali Cusmaan Cali,Aweys Fuundi,Caydiid Jeenyo,Cali Mataan iyo tababaraha Weyn ee Maxamed Xaaji Giftin.


Tartankii intii uu socday ayaa waxa loo saaray guddi Farsamo oo ay Hogaaminayaan Aweys Fundi iyo Caydiid Jeenyo si ay u xulaan dhalinta ku wanagsan Kubadda cagta si mustaqbalka loo diyaariyo,kuwaa oo mar dhaw Tababar loo furi doono,isla markaana waxa Ciyaar aad u xiiso badneyd dhexmartay Xulka Atlanta iyo Kooxdii ku guuleystay tartankii loogu magacdaray 'GUUSHII ATLANTA' waxaana koobkii SUPER CUP ku guuleystay Xulkii Atlanta loo diyaariye oo runtii soo bandhigay Ciyaar kor u qaaday Hammadda Taageerayaasha reer Atlanta,waxayna Xulkaasi ballanqaadeen inta karaankooda ah in ay ku dadaali doonaan in aysan mar dambe dhicin waxyaabiihii dhacay Tartamadii ugu dambeeyey ee lagu qabtay Magaaladda Atlanta,waxaana halkaa is qabsaday sacab iyo mashxarad oo ay taageerayaashu ku muujinaayeen sida ay raali uga yihiin farsamadda casriyeesan ay xulka Atlanta soo bandhigeen.


waxaana ugu dambeyntii tartankii soo gabagabeeyey Aweys Muse Arbow iyo Caydiid Jeenyo iyagoo amaan u soo jeediyey dhalinta is xilqaantay oo uu ugu horeeyo Cabdirashiid Dheere,waxayna u ballanqaadeen in wax kastaba ay la garab istaagi doonaan,waxay kaloo sheegeen in ay soo dhaweenaayaan cid kasto oo gacan ka geysaneysa Horumarinta Isboortiga Atlanta,waxayna Ciyaarihii ku soo gabagaboobeen si farxad iyo reyn-reyn ay ku jirto.



Diyaariye:Dr' Ali Osman Ali

Atlanta, Georgia


268 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 Rating: 5.00Rating: 5.00Rating: 5.00Rating: 5.00Rating: 5.00 (total 1 votes)
comment Comments (0 posted)
 Quran Recitation & Hadith Translation Arabic/ English
banadir_01 Tartanka kubada cagta ee gobolka bandir
mohamed_farah_01 Dadaal ayaa lagu gaaraa Guushaa
Wareysi, Coach Mohamed Salim & Referee A. Cadday
jama_aden
Coach of the Year Jama Aden
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed

More News

eXTReMe Tracker