header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031

Newsletter
Subscribe to newsletter:


Qur'an iyo Subac

email Email to a friend | print Print version | comment Comments (0 posted)

Khabiir Soomaali ah oo loo magacaabay in uu kormeero garoomada K/cagta Eritrea

By Shafi’i Mohyaddin Abokar on January 07,2013

image

Isagoo ah wakiil buuxa oo ka socda xiriirka kubada cagta Africa ee CAF ayaa khabiir ka socda xiriirka Kubada cagta Soomaaliya Dr. Xasan Maxamed Maxamuud (Xasan farey) oo horayna u ahaa garsoore heer FIFA waxaa uu u socdaali doonaa dalka ku yaala waqooyi bari ee qaarada Africa Eritrea si uu usoo indha indheeyo garoomada kubada cagta dalkaasi hadii ay gaarsiisan yihiin heer lagu marti gelin karo cayaaraha CAF mustaqbalka.

Sidoo kale waxaa xeel dheerahani uu booqan doonaa hotelada waaweyn ee dalkaasi si loo ogaado in ay gaarsiisan yihiin heer ay marti gelin karaan saraakiisha FIFA iyo CAF iyo wufuuda caalamiga ah ee dalkaa imaan doonta maadaama aan la ogoleyn in saraakiisha FIFA iyo kuwa CAF la dajiyo hotelo heerkoodu uusan ahayn kan ugu sareeya aduunka.

Xasan farey oo kasoo baxay jaamacadii Lafoole ee Soomaaliya bartamihii 80-meeyadii ayaa lagu wadaa in uu gaaro magaalada Asmara 6-da bisha Janaayo ee sanadka cusub, waxaana inta uu socdo kormeerkiisa la shaqeyn doona saraakiil Eritrean ah oo ay ka mid yihiin xoghayaha guud ee xiriirka kubada cagta Eritrea, agaasimaha guud ee wasaarada Isboortiga dalkaasi, sarkaal xaga amaanka ah iyo khabiiro dhanka cows-ka garoomada ah, sida lagu sheegay war kasoo baxay xiriirka kubada cagta Africa ee CAF.

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa si weyn usoo dhaweeyay magacaabista loo magacaabay masuul ka tirsan SFF in uu noqdo safiir matalaya xiriirka qaarada ee CAF.

“Magacaabistani waxaa ay tusaaleyneysaa in kubada cagta Soomaaliya ay nooshahay lana socoto tan caalamka xag aqooneed iyo xag farsamo intaba inkastoo aanu soo marnay in ka badan 20 sanadood oo ah dagaalo sokeeye, falal ka dhan ah kubada cagta oo ka imaanaya koox diimeedyo iyo fowdo dalka oo dhan hareysay”ayuu yiri xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab oo war saxaafadeed soo saaray maanta oo Isniinah.

Waxaa uu sheegay inkastoo dagaalo sokeeye ay halakeeyeen hadana in Soomaaliya ay sidoo kale ururka CECAFA ku leedahay saraakiil muhiim ah oo ay ka mid yihiin: Madaxa tartamada CECAFA Cabdi Qani Saciid Carab, madaxa dhaqaalaha Caamir Cabdi Xasan, madaxa qeybta warfaafinta CECAFA Shaafici Muxuyadiin Abuukar  iyo Xubin guddga garsoorka Dr Xasan Maxamed Maxamuud.

Xasan farey waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdsiho sanadkii 1957-kii waxaana uu shaqadiisa garsoorka FIFA bilaabay 1986-kii, isagoo xeer ilaaliye CAF soo ahaa tan iyo sanadkii 2009-kii shaqdaas oo uu wali hayo.

Waxaa Xasan farey uu soo garsooray 30 cayaarood oo caalami ah oo ay ku jiraan kuwo FIFA iyo is reeb reebka cayaaraha Olombikada aduunka, waaxana sanadkan markii ugu horeysay uu u shaqeynayaa isagoo ah safiir buuxa oo ka socda xiriirka kubada cahta Africa ee CAF.

By Shafi’i Mohyaddin Abokar
Email:shafislow@yahoo.com

493 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 Rating: 5.00Rating: 5.00Rating: 5.00Rating: 5.00Rating: 5.00 (total 4 votes)
comment Comments (0 posted)
 Quran Recitation & Hadith Translation Arabic/ English
banadir_01 Tartanka kubada cagta ee gobolka bandir
mohamed_farah_01 Dadaal ayaa lagu gaaraa Guushaa
Wareysi, Coach Mohamed Salim & Referee A. Cadday
jama_aden
Coach of the Year Jama Aden
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed

More News

eXTReMe Tracker