header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031

Newsletter
Subscribe to newsletter:


Qur'an iyo Subac

email Email to a friend | print Print version | comment Comments (0 posted)

KOOXDA HOWLWADAAG OO AY KA BADISAY BUUNDOWEYN

By Abdirahman Mire on January 07,2013

image

Munaasabad balaaran oo xariga looga jarayay garoonka kubadda cagta lamagalaay ee magaalada Beledweyne kaasoo ay dayactir ku sameeyeen ciidamada aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Xafladda garoonka lagu furayay oo ay ka qeyb galeen saraakiisha ciidammadda Jabuuti ee ku sugan Beledweyne iyo mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ayaa waxaaa ugu horeyn daaha looga rogay Furitaanka garoonka cayaar dhexmartay 2 kooxood oo kala ah Buundoweyn iyo Howlwadaag taasoo ay Guushu ku raacday kooxda ka socotay xaafadda Howlwadaag ee magaalada Beledweyne.

furitaankagaroonka_2_400

Taliyaha ciidammadda AMISOM ee ku sugan magaalada beledweyne Col.Zakariye oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in garoonkan  dayactirka ay ku sameeyeen ay ugu talagaleen sidii dhalinta Soomaaliyeed ay isku dhexgeli lahaayeen isla markaana bulshadda loogu dhiiri gelin lahaa nabadda iyo horumarka.


Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane C/fataax Xassan Afrax ayaa uga mahadceliyay ciidammadda aan Wallaalaha nahay ee Jabuuti gacanta ay ka geysteen dayactirka garoonka waxa uuna xusay inay dhawaan Garoonka la maalgelin doonno uuna ka bilaabmi doonaan cayaaraha kooxaha kala duwan ee gobolkaasi ka dhisan.

furitaankagaroonka7_400

Gobolka hiiraan oo ay caasimadiisu tahay Beledweyne ayaa tan iyo markii ay ciidammadda dowladdu la wareegeen waxa uu ku talaabsanayay horumaro dhinacyo kala duwan leh iyadoo maalmo ka horna Xarunta gobolka loogu dabaal degey sanad guuradii 1aad ee ka soo wareegatay markii kooxda Alshabaab Laga xoreeyay magaaladaasi taasoo muujineysa amniga ka jira iyo sida ay uga muuqdaan calaamaddaha Dowladnimada.


 

 

furitaankagaroonka6_400

 


428 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 Rating: 5.00Rating: 5.00Rating: 5.00Rating: 5.00Rating: 5.00 (total 4 votes)
comment Comments (0 posted)
 Quran Recitation & Hadith Translation Arabic/ English
banadir_01 Tartanka kubada cagta ee gobolka bandir
mohamed_farah_01 Dadaal ayaa lagu gaaraa Guushaa
Wareysi, Coach Mohamed Salim & Referee A. Cadday
jama_aden
Coach of the Year Jama Aden
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed

More News

eXTReMe Tracker