header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031

Newsletter
Subscribe to newsletter:


Qur'an iyo Subac

email Email to a friend | print Print version | comment Comments (0 posted)

Kooxda Nigeeriya oo xayuubsatay koobkii koobabka Afrika

By Abdirahman Mire on February 10,2013

image

Maanta oo ah Axad ayaa cayaara aad u xiiso badan ka dhacday Garoonka weyn ee magaalada Johannesburg (Soccer City) ayaa ahayd mid si weyn loo sugayey. Garoonka oo buux dhaafshay taageerayaasha labada koox oo lulayey caleemo iyo wax walba oo ay heli karayeyeen. Kooxda Burkina Faso ayaa markii ugu horeysay taariikhda u soo baxday cayaarta ugu dambeysa ee Finaalka iyadoo horey uga soo guuleysatay kooxda Ghana.

koobkaafrikafinal4_400

Kooxda Nigeeriya oo iyadu ka mid ahayd kooxaha sida weyn cayaar wanaaga u muujiyey intii uu socday is reeb-reebka koobka Afrika, ayaa ka mid ah kooxaha ugu awoodda badan Afrika, balse sanaddihii la soo dhaafay ku guuleysan weyday inay qaado koobabka muhiimka ah oo uu kamid yahay koobka Afrika, waxaana ugu dambeysey oo ay noqdaan Horyaalka Africa sanadkii 1994, markaas oo Nigeeriya lahayd kooxdii soo marta waayadan tii ugu awooda badneyd ayna ka dhex muuqan jireen Jey- Jey Akocha, Rashid Yakini iyo Danial Amocachi.

koobkaafrikafinal2_400

Kooxda Nigeeriya ayaa Semi-finalka kusoo reebtay kooxda dalka Mali oo iyaduna kamid ahayd kooxihii dadaalka dheeriga ah muujiyey sanadkan. Labada kooxood ee Nigeeriya iyo Burkina Faso ayaa kuwada jiray Group C, waxayna yeesheen cayaartoodii ugu horeysay markii cayaaraha ay bilowdeen. Cayaartii Finaalka ee dhexmartay labada kooxood ee Nigeeriya iyo Burkina Faso, ayaa ku bilaabatay dardar balse Goolkii uu dhaliyey Laacibka wata number 19 ee Sunday Mba oo laad ku celis ah lugtiisa bidix ku dhaliyey goolka daqiiqadii 40aad ee ciyaarta.

koobkaafrikafinal17_400

Kooxda Burkina Faso ayaa isku dayday weeraro rogaal celis ah balse waa uu diiday goolka, waxayna ku sigteen in goolal kale laga dhaliyo kadib markii weeraro isdaba joog ah ay kooxda Nigeeriya kusoo qaadeen qeybtii labaad ee cayaarta. Cayaarta ayaa ku dhamaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday dalka Nigeriya oo koobka Afrika qaaday markii ugu horeysay tan iyo sanadkii 1994tii, waxaana kooxda Nigeeriya koobka guddoonsiiyey Madaxweynaha dalka Martida loo yahay ee Koonfur Afrika, Jacob Zuma.


100 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 Rating: 5.00Rating: 5.00Rating: 5.00Rating: 5.00Rating: 5.00 (total 1 votes)
comment Comments (0 posted)
 Quran Recitation & Hadith Translation Arabic/ English
banadir_01 Tartanka kubada cagta ee gobolka bandir
mohamed_farah_01 Dadaal ayaa lagu gaaraa Guushaa
Wareysi, Coach Mohamed Salim & Referee A. Cadday
jama_aden
Coach of the Year Jama Aden
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed

More News

eXTReMe Tracker