header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031

Newsletter
Subscribe to newsletter:


Qur'an iyo Subac

email Email to a friend | print Print version | comment Comments (0 posted)

RI’YADDA ARSENAL MA RUN BAY NOQON?

By Abdirahman Mire on February 14,2013

image

Weeraryahanka reer Montenegro Stevan Jovetic oo muddo dheer lala xariirinaayay kooxda Arsenal ayaa haatan lagu wadaa inuu garoonka Emirates u soo dhaqaaqo marka la gaaro bisha June. Sidoo kale markii ugu horeysay kooxdiisa Fiorentina ayaa qiratay inay laacibkan laga daba dhici fasaxi doonto waxayna kooxda reer Talyaani suuqa ka baadi goobeysaa weeraryahankii baddali lahaa xidigan dhallinta yar. Sida la filaayo 23-jirkan ayaa Fiorentina isaga tagi doono marka uu xilli cayaareedkan dhammaado Serie A-da wuxuuna maamulka kooxdiisa ka codsaday in kooxda Arsenal laga iibiyo waayo laacibkan ayaa aad u jecel inuu ka hoos cayaaro tababare Arsene Wenger.

stevanjovetic

Horey marar badan ayay Gunners-ka ugu fashilmeen inay weeraryahankan soo xero geliyaan, balse haatan waxay heystaan fursaddii ugu wanaagsaneed oo ay Jovetic kula soo wareegi lahaayeen. Inkastoo xidigan uu rabitaankiisa muujiyay haddana Arsenal qiimo jaban kuma heli doonto waayo waxaa madaxiisa la dul dhigay 30-milyan oo euro ah. Jovetic wuxuu kooxdiisa Fiorentina u dhaliyay 23-gool 48-kulan ee ugu dambeesay Serie A-da dalka Talyaaniga waxaana sidoo kale lala xariirinaa kooxda Juventus inkastoo dhawaan ay Juve shaaca ka qaaday inaysan wax xiiso ah u qabin weeraryahankan waxaana ugu wacan in Juventus iyo Fiorentian uusan xiriir wanaagsan ka dhaxeenin.

 

Dhanka kale kooxda Fiorentina ayaa sheegtay in Jovetic booskiisa ay soo iibsan doonto bisha xidiga naadiga Southampton Gaston Ramirez oo horey ugu cayaari jiray kooxda Bologna balse haatan waqti wanaagsan ku qaadanaayo Premiership-ka dalka England.


102 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 Rating: 5.00Rating: 5.00Rating: 5.00Rating: 5.00Rating: 5.00 (total 1 votes)
comment Comments (0 posted)
 Quran Recitation & Hadith Translation Arabic/ English
mohamed_farah_01 Dadaal ayaa lagu gaaraa Guushaa
Wareysi, Coach Mohamed Salim & Referee A. Cadday
jama_aden
Coach of the Year Jama Aden
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed

More News

eXTReMe Tracker