Madaxda sare ee kooxda Barcelona ayaa qalinka ku wada duugay in si walba iyo xaaladda kastoo ay noqoto in ay soo qaataan difaaca dhexe ee kooxda Chelsea David Luiz marka uu dhammaado xagaagan .
Sida ay qortay jarriirada A Bola, tababaraha kooxda Barcelona Tito Vilanova ayaa kula kulmay magaaladda New York agaasimaha cyaarayaha ee kooxda Barcelona Andoni Zubizarreta, iyo xoghayaha farsamadda Albert Valentín waxaana uu kala hadlay sidii kooxda loogu raadin lahaa difaaca dhexe xilli ay da’du riixeyso kabtan Carles Puyol. Ilo muhiim ah ayaa u sheegay A Bola in madaxda Barcelona ay ka dooddeen difaaca reer Brazil ee kooxda Chelsea ayna isla garteen in ninkaas wixii ay ku qaadataba ay kooxda ku soo biiriyaan markii uu dhammaado xagaagan ,
Kooxda Chelsea ayaa ku fara adeegeysa in uu la sii jooggo, inkastoo David Luiz lagu soo qaatay lacag aad u raqiis 2011-kii taasoo dhammayd lacag dhan ilaa £21milion, laakiinse Barcelona ayaa diyaar u ah in ay bixiso qarash fiican ay ku qancaddo kooxda Chelsea.