header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031

Newsletter
Subscribe to newsletter:


Qur'an iyo Subac

email Email to a friend | print Print version | comment Comments (0 posted)

KOOXDA HEEGAN OO LA CARAAWADAY KOOBKII

By Abdirahman Mire on February 17,2013

image

Garoonka 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee Magaalada Muqdisho ayaa ciyaartii kama dambeysta Horyaalka 13aad ee Kubadda Gacanta waxaa isku haleelay wiilasha Horseed iyo Heegan, waxaana markii shanaad ee isku xiga koobka gacanta ku dhigay Heegan oo 17-15 ugu awood sheegatay Dekedda. Labadan Kooxood ee Heegan iyo Dekedda ayaa ah labada kooxood ee ugu awoodda weyn dhanka Kubadda Gacanta dalkeena waxaa ka dhaxeeya xafiiltan ciyaareed aad u heer sareeya, waxaana muuqanaysa markii ay kulmayaan inay ciyaarayaan kulan xirfad iyo xamaasad badan.

koobka_heegan_400

Qeybihii ugu horeeyay Kooxda Dekedda waxay la soo baxday ciyaar farsamo leh waxaana muuqanaysay inay goolasha ku hormarayaan halka Heegan ay mar walba barbardhaca ay ku dadaalaysay, Laakiin waxay xaajada is bedeshay markuu garoonka soo galay ciyaaryahanka ay ku dhaartaan Heegan Cali Baraawiini oo goolal deg deg ah shabaqa Dekedda dhex dhigay sidaasna ugu sahlay inay hogaanka ciyaarta ay la wareegto Heegan, waxaana xusid mudan in fursado qaali ah oo soo maray Dekedda ay iska lumiyeen kuwaas oo u badnaa rigoore (penalty). guud ahaan ciyaartan xiisaha lahayd ayaa 17-15 ku soo gabagabowday. Waxaa ciyaartan garsoorayay C/laahi Xasan Cali {Kuusoow} iyo Maxamed Cusmaan Xaaji (Galeey), Dhibcaha waxaa qorayay Nuur Rooso. iyadoo Sacaadda uu hayay Maxamed Dheere.

horseed_400
 

Gabagabadii waxaa halkaasi lagu bixiyay Abaalmarino Koobab iyo BiLlado ah kooxihii galay kaaLlimaha ugu horeeyay oo ay xaqiijiyeen kooxaha Heegan, Dekedda iyo Horseed.  Daawashada ciyaarta waxaa ka soo qeybgalay mas`uuliyiin kala duwan sida Duqa Magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan), Agaasimaha guud wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada Aweys Sheekh Xadaad, ku simaha Guddoomiyaha GOS Axmed Cabdi Xasan {Wataac}, Xoghayaha GOS Duraan Axmed Faarax, Guddoomiyaha XSKG Maxamed Xasan Xuurshe [Eenoow], Guddoomiyaha XSKK Ibraahim Xuseen Cali [Roombo], Guddoomiyaha NGSC C/qani C/llaahi Hilowle (C/qani Jeenyo), Guddoomiyeyaasha degmooyinka C/Casiis iyo Xamar Jajab C/laahi Xuseen Xasan iyo Maxamed Cali Axmed, marti sharaf iyo taageerayaal aad u farabadan.

guddoonka_400


Said Ibrahim Hussein (BUUNA)



131 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 Rating: 5.00Rating: 5.00Rating: 5.00Rating: 5.00Rating: 5.00 (total 2 votes)
comment Comments (0 posted)
 Quran Recitation & Hadith Translation Arabic/ English
banadir_01 Tartanka kubada cagta ee gobolka bandir
mohamed_farah_01 Dadaal ayaa lagu gaaraa Guushaa
Wareysi, Coach Mohamed Salim & Referee A. Cadday
jama_aden
Coach of the Year Jama Aden
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed

More News

eXTReMe Tracker