Tartan isboorti oo ay ka qeyb galayeen 8 kooxood mudo todobaad ahna ka soconayay Garoonka kubadda Cagta Lamagalaay ee Magaaladda beledweyne ayaa la soo gaba gabeeyay. Munaasabad lagu abaal marinayay kooxihii kaalmaha galay oo lagu qabtay Garoonka Lamagalaay ayaa waxaa kasoo qeyb galay Mas’uuliyiin ka socday maamulka Gobolka, Saraakiisha Ciidamada Dowlada, iyo Kuwa Amisom ee ka socda Dowlada Jabuuti, Haweenka Gobolka, Dhalinyarada, Odayaasha iyo dhamaan qeybaha Bulshada Gobolka Hiiraan.

Ciyaarta Kama dambeysta ah oo ay isugu soo bexeen laba kooxood ee ka kala socday Xaafadaha Magaalada Beledweyne oo kala ahaa Kooshin A iyo Xaawo Taako B, ayaa waxaa dhex martay ciyaar tii ugu kulu leed intii uu tartanka socday, iyadoo ugu dambeyntii la isla gaaray gool ku laadyo taasi oo ay guusha ku raacday kooxda Xaawa taako. Taageerayaasha ciyaarta ayaa waxa ay soo buux dhaafiyeen garoonka ay ciyaarta ka soconeysay iyagoo muujinayay xamaasad iyo sida loogu baahan yahay isdhex galka Bulshada oo nuucaan ah.

Qudbaddo gaba gaba ah oo u badnaa amaan iyo dar daaran ayaa goobta waxaa ka jeediyay Mas’uuliyiintii ka soo qeyb gashay tartanka lana socday mudadii todobaadka ahaa ee uu tartanka isdhexgalka bulshada ka soconayay Garoonka kubada cagta lama galaay ee magaalada Beledweyne. Agaasime ku xigeenka SYAO ee Gobolada dhexe C/casiis Wehliye Coofle oo furay hadalka ayaa uga mahadceliyay kooxihii ka qeyb galay iyo taageerayaasha waxa uuna u balan qaaday in SYAO ay Gobolka ka qaban doonto barnamijyo wacyigalineed oo is dhex galka bulshada loogu tala galay.
Ibrahin Macalin C/llahi Madaxa Barnamijyada SYAO oo isna kalmado dhiiri galan u badnaa ka jeediyay goobta ayaa waxa uu si aad ah ugu mahad celiyay Ciidamada Jabuuti ee Amisom qeybta ka ah qaabka ay amaanka gobolka hiiraan gaar ahaan magaalada Beledweyne u qaxiijiyaan, iyo Sida walaaltinimada leh oo ay SYAO uga caawiyeen suurta galinta Barnamijyadeeda.
Kornel Cusman Dubad taliyaha ugu sareeyo ciidamada Amisom ee kasocda Dowlada Jabuuti oo isna qeyb ka ahaa madaxdii la socday oo daawanayah intii uu tartanka socday oo gaba gabada ka hadlay ayaa SYAO uga mahad celiyay barnamijyada muhiimka ah oo ay ka bilaabeen Gobolka Hiiraan.