header
Search the Site   Advanced Search »
Archive
Mo Tu We Th Fr Sa Su
12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031

Newsletter
Subscribe to newsletter:


Qur'an iyo Subac

email Email to a friend | print Print version | comment Comments (0 posted)

DIYAARGAROWGA CAYAARAHA KUBADDA KOLEYGA

By Abdirahman Mire on January 11,2013

image

 

 

 

.

 

.

 

Diyaargarowgii uu Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolaygu ugu jiray tartanka dalalka ku wada jira Zone ka shanaad ee bishan 27 keeda ka furmi doona magaalada Dar el Salam ee dalka Tanzaaniya ayaa heer gabogabo ah maraya sida uu sheegay xoghayaha XSKK Siciid Faarax Ducaale. 

siciid_400

Wiilasha xulka kubadda kolayga ee matalaya dalkeena Soomaaliya ayaa waxa ay sanadkan ka kala imaan doonaan dalal kala gedisan oo ka mid ah dalalka ay Soomaalidu u barakacday kuwaasoo dhamaantood ka cayaara heerarka ugu sareeya ee dalalka ay ku nool yihiin waxaana ay tani rajo wanaagsan gelisay shacabka soomaaliyeed ee ayagu daneeya kubadda kolayga kana filaya xulkeena in ay guulo dhaxalgal ah ka soo hooyaan cayaarahaasi.

Sida uu qadka isgaarsiinta iigu sheegay xoghayaha XSK Kolayga ayaa waxaa tartanka sanadkan ee Zone v ka soo qaybgali doona 8 dal oo ka tirsan dalalka ku jira Zone kaasi waxaana ay xulka Soomaaliyeed ku aadan yihiin magaaladaasi Dar el Salam maalinta ay taariikhdu tahay 17 ka bishan aynu ku jirno ayadoo ay halkaasi si diiran ugu soo dhawayn doonaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Tanzaaniya oo lagu wargeliyey imaanshaha xulka qaranka.

Xoghayaha XSK Kolayga oo aan sidoo kale wax ka waydiinay cidda ka taageeraysa kharashka faraha badan ee ku baxaya safarka xulka iyo maamulka xiriirkaba oo ah mid aad u badan ayaa waxa uu mahadnaq aan la soo koobi Karin u jeediyey ganacsatadii iyo shaqsiyaadkii ka taageeray safarka xulka kuwaasoo uu ugu horeeyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Mogadishu Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan), fanaanka caanka ah ee C/Qaadir  Cumar Macalin (Jubba), ganacsatada magaalada Dubai, jaaliyadda dalka Qatar, Hirda iyo waliba bahwaynta kubadda kolayga oo dadaal badan ugu jira sidii ay u taageeri lahaayeen xulkooda intaba wuxuuna u caddeeyey in uu rajo wanaagsan ka qabo sidii uu uga farxin lahaa isla markaana dadaalkoodii uu uga mira dhalin lahaa cayaartoyda ay sanadkan gaynayaana ay guulo lagu farxo keeni doonaan.

Wafdiga iyo xulka qaranka ayaa waxaa sanadkan hogaamin doona guddoomiye ku-xigeenka XSK Kolayga Maxamed Xaaji ayadoo ay qayb ka noqon doonaan xoghayaha guud Siciid Faarax Ducaale, macalin Cumar C/qaadir Baarajab iyo qaar ka mid ah cayaartoydii magaca ku lahaa kubadda kolayga dalkeena oo ayaguna iskood isku soo dabari doona si ay ugu muujiyaan xulka qaranka taageeradooda ayuu ku daray Siciid Faarax oo hadalkiisa aan ka dareemi karay rajo wanaagsan iyo iftiin u soo bidhaamay xulka kubadda kolayga Soomaaliyeed.

Waa markii ugu horeysay ee cayaartoy tayadoodu heerkan gaarsiisan tahay laga wado qurbaha isla markaana ay matalaan xulka qaranka Soomaaliyeed ayadoo xiliyadii hore cayaartoydii la wadi jiray ay ahaayeen kuwa ayagu aan gaarin heerarka sare taasoo qayb ka ahayd guuldarooyinkii lala kulmi jiray inkastoo dadaal iyo kharshba ay geliyeen maamuladii soomaaliyeed oo ayaguba raadinayey guulo la mid ah kuwa hadda la baadigoobayo.

Akhristayaal waxaan halkan idinkugu soo gudbinayaa mid ka mid ah cayaartoyda la filayo in ay matalaan xulka qaranka sanadkan oo ah Faisal Aden (Sawirka sare).

Faysal Aaden waxa uu ka mid yahay cayaartoyda da’da yare e kubadda kolayga dalka Maraykanka ay sida aadka ah indhaha ugu hayaan naadiyada waawayn ee NBA da waxa uuna bartamihii sanadkan ka soo qalin jabiyey jaamacadda Washington State University halkaasoo uu ka caawiyey jaamacaddiisa in ay heer wanaagsan ka gaaraan horyaalka jaamacadaha oo ah halka looga soo gudbo NBA da inkastoo dhamaadkii horyaalkaasi kala kulmay dhaawac uu muddo uga maqnaa kubadda kolayga asagoo hadan dib ugu soo laabtay ka dib markii qaliin lagu sameeyey.

Bal ila daawada video yar oo ka hadlaya cayaaryahankan la filayo in uu matalo xulka qaranka Soomaaliyeed. 

Akhristayaal haddii alaha awoodda lihi ogolaado waxaan mid mid idiinkugu soo gudbin doonaa maalmaha soo socda cayaartoyda xulka kubadda kolayga, kooxaha ay u cayaaraan iyo heerarka ay kooxahaasi kaga jiraan dalalka ay degan yihiin.

 


444 times read

Did you enjoy this article?

1 2 3 4 5 Rating: 5.00Rating: 5.00Rating: 5.00Rating: 5.00Rating: 5.00 (total 2 votes)
comment Comments (0 posted)
 Quran Recitation & Hadith Translation Arabic/ English
banadir_01 Tartanka kubada cagta ee gobolka bandir
mohamed_farah_01 Dadaal ayaa lagu gaaraa Guushaa
Wareysi, Coach Mohamed Salim & Referee A. Cadday
jama_aden
Coach of the Year Jama Aden
Most Popular
Most Commented
Most E-mailed

More News

eXTReMe Tracker