KOOXDA WHITE STARS EE KA DHISAN MAGAALADA LONDON……

Kooxda White Stats FC ee ka dhisan waqooyiga London ayaa waxaa gacanta ku haya wiilal Soomaaliyeed. Da’da ugu yar ee ay gacanta ku hayaan ayaa ah 4jir iyo wixii ka weyn.

Kooxdan waa kooxdii labaad oo AKADEMI ku leh dalka Ingiriiska. Kooxda White Stars qaabka AKADEMI waxaa uga horeeyey Kooxda Moss Side Sports Club ee ka dhisan magaalada Manchester.

Kooxdan waxaa MACALAMIIN ka ah Tababarayaal haysta shahaaddooyin heer sare ah.

Akademiga White Stars iyo Akademiga Kooxda Watford ayaa bisha Marso wada ciyaari doona.

Dhammaan Shacabka ku nool iyo bahda saxaafadda ee jecel horumarka sportiga waa in ay u soo daawasho tagaan garoonka Watford Akademi ee Magaalada London.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *