TAARIIKHDA XIRIIRKA SOOMAALIYEED EE JUUDOWGA IYO KAN CAALAMKA‏

Muuse M OsmanCiyaarta juudowga iskeed ayey u aas’aasantay sida ciyaaraha casriga ah oo kale sanadkii 1882 – kii, Professor JIGANO KANO oo u dhashay dalka Japan ayaa doorasho iyo dib u habeen farsamo kala duwan ah u isticmaalay dugsiga JUJITSU.

Si tartiib tartiib ah ayey u hormartay ciyaarta Juudowga , waxeyna ciyaarta Juudowga boqolaal sano aheyd fanka dagaalka reer Japan , Professor Jigano Kano wuxuu noloshiisa oo dhan u go”doomiyay ama u huray barashada iyo faafinta ciyaarta juudowga, wuxuuna fariisiyay asaaska ciyaarta sida aynu maanta unaqaano oo kale,ciyaarta Juudowga waa ciyaarta koowaad ee ciyaaraha olombikada oo asal ahaan kasoo bilaabatay Qaarada Asia.

Laga soo bilaabo sanadkii 1909-kii Professor Kano 30 sano ayuu ugu tabarucay dhaq dhaqaaqa Olombikada waxaana gacan weyn siiyay BARON PIERE DE COUBERTIN oo ahaa ASAASIHII ciyaaraha casriga ah ee Olombikada.
Professor jigano Kano sidoo kale wuxuu mas”uul ka ahaa asaaskii XIRIIRKA CAALAMIGA AH EE JUUDOWGA ( INTERNATIONAL JUDO FEDERATION – IJF ), sanadkii 1030-kii ayuu Professor Kano soo jeediyay dhismaha xiriirka caalamiga ah juudowga laakiin taasi ma noqon gaba gabadii ilaa laga gaaro July 1951-kii, kolkaas oo golaha midowga juudowga Yurub EUROPE ay asaaseen Xiriirka caalamiga ah ee Juudowga.

13 xiriir oo ahaa xubnihii asaasayaasha kana kala socday dalalka Yurub oo kaliya ayuu xiriirku ka koobnaa iyadoo dalalka kale ee OCEAN , AMERICA iyo ASIA ay ku xirmeen xiriirka juudowga mudo kadib , sanado is xig xiga ayeyna qaadatay xubinimada 19 dal oo ka kala socda afarta Qaaradood America , Asia , Africa iyo Australia waxaana xiriirka caalamiga ee juudowga maanta xubno ka ah 200 dal oo ka kala socda dhamaan qaaradaha aduunka.

Tartankii ugu horeeyay ee caalamiga ahaa ee ciyaarta Juudowga waxaa lagu qabtay magaaladda Tokyo ee dalka Japan sanadkii 1956-kii, waxaana kasoo qeyb galay 31 xubnood oo ka kala socday 21 dal, xaqiiqdii magaalada Tokyo waxey aheyd gundhiga muuqaalka koowaad ee garoonka olombikada ee ciyaarta juudowga sanadkii 1964-kii, soo bandhiga kala soocida culeyska ayaa runtii qal qaaliyay horumarka ciyaarta juudowga , maanta 8 culeys loolan oo rag iyo dumar labada ah ayaa lagu tartamaa.

2-dii December 1961-kii ayey noqoneysaa markii ugu ee ciyaarta Juudowga lagu qabto meel ka baxsan dalka Japan waxaana lagu qabtay magaalada PARIS ee dalka France, dhinaca kale tartankii ugu horeeyay ee ciyaarta juudowga oo caalami ah oo dhinaca haweenka ah waxaa isna lagu qabtay magaalada NEW YORK ee dalka USA 20-30 kii November sanadkii 1980-kii, si deg deg ayey ciyaarta Juudowga ee haweenka u hormartay waxaana lagu daray barnaamijkii olombikada BARCELONA ee dalka SPAIN sanadkii 1992-kii,waxeyna ciyaarta juudowga ka mid aheyd ciyaarihii Olombikada ee lagu soo bandhigay magaalada SEOl ee KOOFURTA KUURIYA sanadkii 1988-kii.

Teddy Riner oo u dhashay France ayaa noqday ciyaaryahankii ugu yaraa ee abid kasoo qeyb gala horyaalka Juudowga caalamka , dhanka kale waa ciyaaryahanka ugu hanashada badan biladaha wuxuuna gacanta ku dhigay 8 biladood oo dahab ah iyo 2 qalin, sidoo kale waa ciyaar yahanka kaliya ee u saftay 7 Title, TEDDY waa ciyaaryahankii ugu horeeyay oo aan u dhalan Japan kuna guuleysta bilad dahab ah. dhinaca gabdhaha AnnMaria De Mars oo USA u dhalatay ayaa noqoneysa gabadhii ugu horeysay ee ku guuleysata bilada dahab ah sanadkii 1984-kii ciyaarihii Olombikada ee New York ayeyna biladaas ku qaadatay,halka RYOKO TAMURA oo reer Japan ah ay ka noqoneyso gabadha ugu title safashada badan 7 title ayeyna u safatay.

Dalka Japan oo ah halka ay kasoo askuntay ciyaarta Juudowga ayaa ah horyaalka Juudowga caalamka 276 bilood oo 116 dahab yihiin ayuuna ku guuleystay, halka France oo 137 biladood oo 44 ka mid ah ay dahab yihiin heysta uu kaalinta labaad ku jiro , dalka South Korea oo kaalinta sedexaad ahna wuxuu heystaa 83 biladood oo 25 mid ah ay dahab yihiin.

Horyaalka Juudowga kooxaha waxaa sidoo kale hogaanka u haya dalka Japan oo ku guuleystay 8 biladood oo dahab ah 4 raga iyo 4 haweenka, halka france oo kaalinta labaad ah 4 biladood uu 2 raga ah iyo 2 haweenka ah ka heysato, iyadoo Giorgia oo heysata 3 biladood oo raga ah ay soo galeyso kaalinta sedexaad ee horyaalka kooxaha Juudowga caalamka. Laga soo bilaabo sanadkii 2009 xiriirka caalamiga ee Juuddowga wuxuu sanad walbo qaban qaabiyaa tartamo ay ka mid yihiin horyaalka Juudowga dunida ( JUDO WORLD CHAMPIONSHIP, WORLD JUDO TOUR 5 GRAN PRIX, 4 GRAND STARS A MASTER TOURNAMENT iyo INTERNATIONAL TOURNAMEN horumarka lixaadka leh ee ciyaarta juudowga waxaa ku tusinaya in 40 milyan qof oo caalamka dacaladiisa ku nool ay maanta qaataan tababar ciyaarta Juudowga.

Gudoomiyayaashii soo maray xiriirka caalamiga ee Juudowga IJF waxa ay kala yihiin: Aldo Torti – ITALY 1951, Risei Kano – JAPAN,1952-1965, Dr. Shigeyoshi Matsumae – JAPAN 1965-1987, Sarkis kaloghlian – ARGENTINA 1987-1989, Lawrie Hangravel – NEW ZEALAND 1989-1991, Luis Bagurenai – SPAIN 1991-1996, Yong Sung Park South Korea 1996-2007, Marius Viser – AUSTRIA 2007- ILAA IYO HADA. Hadii aan u leexano xiriirka Soomaaliyeed ee Juudowga SJF, sanadkii 1981 ayaa dalka laga asaasay xiriir ay ku mideysan yihiin Judo, Karate iyo Gimnestik, halka sanadkii 1997-kii dibada loo taagay xiriirka Soomaaliyeed ee juudowga, iyadoo Congress-kii ugu dambeeyay ee lagu dooranayo gudiga fulinta ee xiriirka la qabtay 1-dii August 2014, waxaana xiriirka Soomaaliyeed ee Juudowga
gudoomiye ka ah: Cabdulaahi Maxamed Xuurshe (JEEGO )
Gudoomiye ku xigeenka koowaad: waa Khadar Shamcuun Sheekh Maxamed.
xoghayha xiriirkana waa: Ibraahan Xasan Maxamuud (SHUUSHAAN )..

QALINKII QORAA SARE . Muse Mohamed Osman muusekiimiko99@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *