TARTAMADA RAMADAAN EE JAALIYADAHA SOOMAALIDA

Somalida Qurbaha ku nool iyo kuwa gudaha ku jira waxay aad iyo aad u xiiseeyaan cayaraha, qaasatan kubadda cagta. Dhalinyarada cayaarta kubadda cagta ee ku nool gobolada dalka iyo dibadda waxay ka siman yihiin in ay isku waqti(rammadaanka) wada ciyaaraan. Waxay kaloo ka siman yihiin in taaheerayaasha tartamada ay soo camiraan garoonka, iyadoo ujeeddada ka dambaysa ay tahay waqti gaabsi iyo Afur ku sugid.

Sida aan ognahay  Somaliya sanadkaan waxaa ka dhacay abaaro iyo cuduro kala duwan. Maaddaama dadkii ay u dhammaanayaan gaajo iyo cudur tallo waxaan soo jeedin lahaa, meel walba oo lagu ciyaarayo TARTANKA RAMMADAANKA in la kordhiyo lacagaha is diiwan gelinta kooxaha. Kharashka halkaasi ka soo baxa in lagu taakuleeyo shacabka baahan ee abaaraha waxyeeleyey iyo kuwa cafimaad darada haysa.

Waan hubaa in dhalinta Soomaaliyeed ay aad u naxriis badan yihiin ayna mar walba taageeraan dadkooda dhibaataysan. Fadlan waxaan kaa codsanayaa in fariintan aad u gudbiso dhamaan jaalliyadaha, dhammaan kooxaha, dhammaan ciyaartoyda, dhammaan macallamiinta, dhammaan maaulka, dhammaan taageerayaasha iyo dhammaan garsoorayaasha sportiga.

 

MAHADSANID

 

DIYAARIYE: Khabiir Sport, Dr,Abdulkadir Caddaay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *