West Ham oo dharbaaxo lama filaan ah ku dhufatay Manchester City.

Westham14Kooxda West Ham ayaa hakad gelisay rajadii kooxda Manchester City ee Horyaalka dalka Ingiriiska ka dib markii ay kulankii maanta ka dhacay bariga London 2-1 ay guushii ku raacday kooxda West Ham oo markii ugu horeysay tan iyo sanadkii 1999 kii shan kulan oo bilowga horyaalka ka mid ah guulaysatay.

Guushan oo ahayd mid West Ham u qalantay ayeysan kooxda Manchester City muujin cayaarwanaagii iyo isku xirnaantii looga bartay waxayna u muuqdeen kuwa aan ka soo kabsan daalkii iyo niyadjabkii ka soo raacay kulankii ka tirsanaa horyaalka Yurub oo ay barbardhaca 2-2 ah kula soo galeen kooxda CSKA Moscow ee dalka Ruushka.

Weeraryahanada Valencia iyo Sakho ayaa maanta jahawareer ku riday daafacii adkaa ee Manchester waxaana daqiiqaddii 20aad ee cayaarta kubad uu soo dhigay Valencia shabaqa kooxda Mac City la helay cayaaryahanka Amalfitano.

Nasashadii ka dib ayadoo ay Manchster City la tacaalayso soo guditaankii goolkii nooga naxsaday ayaa waxaa goolkii labaad u dhaliyey kooxda West Ham xiddiga reer Senegaal ee Sakho kaasoo ka dhigaya cayaaryahankii ugu horeeyey naadigan oo lix kulan oo isku xigta goolal uga dhaliya horyaalka dalkan.

Inkastoo uu cayaaryahan Silva u dhaliyey gool kooxdiisa MAn City muddo yar ka dib goolkii labaad ee West Ham ayaa hadana ay guuldaradani ka hoosmarinaysaa kooxda hogaanka u haysa horyaalkan ee Chelsea dhibco dhan shan iyo waliba hal cayaar taasoo habacsanaan gelin karta tartanka ay kula jirtay kooxdaasi.

West Ham ayaa dhinaca kale kaalinta afaraad kaga jirta kala horaynta kooxaha waxaana ay kooxdani ku bilowday horyaalkan dardar aan horey looga baran ayagoo kulamadii sideeda ahaa ee ugu dambeeyey horyaalkana mid waliba gool ka dhalinayasay taasoo daliil u ah in ay heshay gooldhaliyayaal dharbaaxooyin lama filaan ah ku dhufan kara daafacyada kooxaha kale.

kulamadii kale ee maanta ayey kooxda Southampton xajisay kaalinteedii labaad ka dib markii ay 1-0 uga adkaatay kooxda Stoke, Sunderland oo guuldarro xoogan la kulantay usbuucii tagay ayaa maanta mar kale gurigeeda waxaa 0-2 ku suuldaartay kooxda Arsenal oo dhibco badan ku lumisay barbardhacyo dhawr ah oo ay gashay kulamadii hore, Liverpol ayaa ayaduna barbardhac 0-0 ah oo aysan filayn kula gashay Anfield kooxda Hull halka kooxaha West Brom iyo Crystal Place na ay 2-2 ku kala baxeen.

Mohamud Ismail

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *