Xulka Kubada Koleyga Qardho oo kaalinta 2-aad ka galay Tartanka ECAIBC (SAWIRRO)

Qardho2015Xulka Wiilasha Kubada Koleyga Magaalada Qardho ee dalka Soomaaliya, oo ka qeyb galaya Tartanka Kubada Koleyga Magaalooyinka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee ECAIBC, ayaa galabta cayaartii Finalka ee Tartankaan waxa uu Magaalada Dar-Es-Salam ee dalka Tanzania kula cayaaray Xulka Magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Tartankaan oo ay dalka Soomaaliya ugu qeyb galayeen 2-koox oo kala ahaa Muqdisho iyo Qardho, ayaa waxaa nasiibka u yeeshay in ay Finalka soo gaaraan Xulka Magaalada Qardho ee uu hogaaminayo Guddoomiye Kuxigeenkii hore ee Xiriirka KC Soomaaliyeed Abdirashid Hassan Hersi (Bakin).

Qardho1

Cayaartii Finalka ee Xulalka Qardho iyo Qaahira ayaa waxa ay kusoo idlaatay 76 – 56, oo ay guusha ku raacday Xulka Magaalada Qaahira ee dalka Masar oo iyagu noqday Champion-ka 2015, halka Xulka Qardho ay ku guuleysteen Koobka Kaalinta Labaad ee Cayaaraha ECAIBC.

Sanadkii tagay ee 2014, ayaa waxaa Cayaarta Finalka ee Tartanka ECAIBC usugu soo haray Xulalka Qaahira iyo Garoowe, iyadoona koobkii ay la hoydeen Xulka Qaahira, halka Xulka Garoowe ay noqdeen kaalinta 2-aad.

Tartankaan ayaa ah kii 17-aad ee Cayaaraha Kubada Koleyga Magaalooyinka Bariga iyo Bartamaha Qaarida Afrika, iyadoona Soomaaliya ay si aad ah ugu dhex muuqdaan Tartankaan.

d5Qardho3Qardho4Qardho5221-740x555d4d6d7d9daw1dawo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *